WASHINGTON, USA – Mudanayaasha dowladda hoose ee magaalada Memphis ee gobolka Tennessee, ayaa Arbacada maanta ah cod ku ogolaaday, in heybaddiisii iyo xasaannadiisii dib loogu soo celiyo mudane dimoqraadi ah oo ay shaqada ka eryeen xildhibaanada golaha deegaanka ee gobolka todobaadki hore.
Justin Pearson ayaa isaga iyo mudane kale oo la yiraahdo Justin Jones labaduba xilka laga xayuubiyay kaddib cod bixin ay todobaadki hore qaadeen xildhibaanada heer gobol ee ay aqlabiyaddoodu yihiin Jamhuuri ee gobolka Tennessee ee dalkan Mareykanka.
Xildhibaanada ayaa loo ceyriyay sababo la xiriira mudaaharaad lagu diidanaa hubka aanan xakameysnen oo ay kula biireen dad u badnaa arday iyo macallimiin. Labada mudane ayaa kasoo jeeda bulshada madow ee Mareykanka.

