MUQDISHO, Soomaaliya – Ugu yaraan 5 qof ayaa geeriyootay halka 21 kalane ay dhaawacmeen kadib qaraxyo gelinkii dambe shalay ka dhacay degaanka Bariire ee Gobalka Shabeelada Hoose.
Dadka dhintay ayaa saarnaa Mooto, waxaana haleelay qarax dhulka la geliyay, waxyar kadib 2 qarax oo dhacay ayaa sidoo kale sababay dhaawaca 21 qof.
Dadka dhaawacmay ayaa ah kuwa usoo gurmaday dadkii uu haleelay qaraxa 1aad, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta amaanka ee maamulka Koonfur Galbeed oo la hadlay Arlaadi Media Network.

