Thursday, August 27, 2026

Tirada dadka ku barakacay colaada Suudaan oo gaartey 2.5 milyan qof

Share

KHARTUUM, Suudaan – Qaramada Midoobay ayaa sheegtey in tiro ka badan 2.5 milyan ruux ay ku barakaceen colaada tan iyo bishii April ka taagan dalka Suudaan.

Warbixinta ayaa intaas ku dartey in meelaha ugu badan ee dadkan ay ka qaxeen ay kamid yihiin caasimada Khartuum iyo gobolka Darfur.

Dhanka kale, xabbad joojin saddex maalmood ah ayaa lagu wadaa inay dhammaato waaberiga Arbacada maanta ah taasoo fursad siineysa dadka.

In ka badan 2,000 ayaa colaadan ku geeriyootay, sidda uu sheegay Mashruuca Xogta Goobta Colaadda Hubeysan iyo Dhacdooyinka.

Read more

Local News