JAKARTA, Indonesia – Ummadda Muslimiinta ayaa Arbacadii shalay waxay u dabaaldegtey maalinta koowaad ee Ciidda Carafo.
Soomaaliya ayaa kamid ahayd wadamadda sidda weyn looga ciidey. Magaalooyinka waaweyn oo ay ku jirto caasimada Muqdisho ayaa laga mashxaradeeyay.
Balse, waxaa jira waddamo badan oo Islaam ah kuwaas oo Arbacadii shalay ahayd laga soomanaa. Indonesia, Malaysia, Brunei iyo Singapore ayaa Khamiista maanta laga ciidey maalinta koowaad ee Ciidul Adxaa.
Kala duwanaanshiyahan ayaa lala xiriirinayaa aragtida bisha oo siyaabo kala duwan uga soo baxdo qaaradaha aduunkan. Dalalka maanta laga ciidey ayaa badankooda waxa ay ku yaallaan Koonfur Bari ee qaaradda Aasiya.
Ciida Carafo ayaa si weyn uga duwan Ciidul Fidriga oo ah labada Ciidood ee u gaarka ah Muslimiinta. Ciiddul Adxaa ayaa caan ku ah xoolaha oo la gowraco taas oo waajib ku ah qof kasta oo awooda si uu u sadaqeysto.

