KISMAAYO, Jubaland – Madaxweyne ku xigeenka Jubaland oo ay ka howlgalaan ciidamada Kenya iyo Itoobiya ayaa VOA-da u sheegay in ay ku adkaan doonto in ciidamada Soomaaliya ay sugaan ammaanka goobaha ay baneeyaan ciidamada Midowga Afrika.
“Waxaa meeshaas ka iman doonta khatar,” Maxamuud Sayid Aadan ayaa yiri Talaadadii. “Cadowgu wuxuu doonayaa inuu faa’iido helo. Dadka rayidka ah ee ku tiirsanaa ciidamada Soomaaliya iyo kuwa ATMIS-ka waxay la kulmi doonaan aargoosiga [maleeshiyada al-Shabaab].”
Howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa faarujiyey lix saldhig oo ciidan oo ay ku wareejiyeen ciidamada Soomaaliya todobaadkii hore. Saldhig toddobaad ayaa la xiray.
“Waa qorshe aan si fiican looga fikirin, waa mid degdeg ah,” ayuu yiri Aden. Aden wuxuu ku baaqay dhimista “in la hakiyo oo dib loo eego”.
Dhimista 2,000 oo askari oo 400 ka kala imaanaya shanta wadan ee ay ciidamada ka joogaan Burundi, Ethiopia, Djibouti, Kenya iyo Uganda – ayaa hoos u dhigi doonta tirada ciidamada ilaa 16,586.
Midowga Afrika ayaa dowladda Soomaaliya kula heshiiyay in 3,000 oo askari oo kale laga saaro dhamaadka bisha September.

