Friday, August 28, 2026

Al-Shabaab oo fasaxdey gaadiid ay u diidey in ay galaan Baydhabo

Share

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Al-Shabaab ayaa fasaxday qaar kamid ah gaadiidkii ay u diidayeen in ay galaan magaalada Baydhabo, sidda ay sheegtay warbaahinta dowladda oo soo xiganeysa maamulka Koonfur Galbeed.

Afhayeen u hadlay Koonfur Galbeed oo hadalkiisa lagu baahiyey baraha internet-ka ayaa waxa uu beeniyay in maamulka uu wada xaajood ka galay sii deynta baabuurtaasi.

Balse warar ay heshay warbaahinta gudaha ayaa sheegaya in odayaasha deegaanka ay door ku lahaayeen sii deynta isla markaana ay wadahadalo la fureen xoogaga hubeysan.

Ma cadda in sii daynta ay khusayso baabuurta waaweyn ee la haysto in ka badan toddobaad keliya iyo in ay tahay in gabi ahaanba la qaadey xayiraadda saarneyd xarunta gobolka Baay.

Go’doominta ayaa sare u kacisy qiimaha la kala siisto raashiinka, shidaalka iyo waxyaabaha kale ee muhiimka u ah magaalada Baydhabo taas oo sababtey barakac.

Go’doomintan ayaa ahayd mid ay Al-Shabaab kaga aargudayeen Koonfur Galbeed kadib markii saraakiisha deegaanka ay xabsiga dhigeen maamulayaal dugsi oo u socdaalay deegaanada Al-Shabaab si ay ula kulmaan kooxda.

Read more

Local News