ANKARA, Turkey – Maxkamad ku taalla magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga ayaa soo saartay amar lagu soo xirayo siyaasiga garabka midig ee u dhashay dalka Denmark, Rasmus Paludan, kaasoo bishii Jannaayo ee sannadkan ku gubay afaafka safaaradda Turkiga ee magaalada Stockholm nuqul ka mid ah qur’aanka kariimka ah, iyadoo ay socdeen weerarro is-daba-joog ah oo lagu hayo Kitaabka Quduuska ah.
Dhacdadan oo si weyn u hareysay baraha bulshadda 21-kii Jannaayo, ayaa waxay dhalisay caro iyo cambaareyn guud ahaan caalamka Islaamka.
Baaritaanka uu bilaabay xafiiska dacwad oogaha guud ee Ankara ee ka dhanka ah Paludan oo lagu eedeeyay “aflagaado ka dhan ah qiyamka diinta Islaamka”.
Iyada oo qayb ka ah baaritaanka, Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud wuxuu codsaday in la xiro Paludan si loo helo marag furkiisa la xiriira falka Qur’aanka lagu gubay.
“Markii ay qiimeeyeen codsigaas, Maxkamadda Dambiyada 8aad ee Ankara ayaa soo saartay amar lagu soo xirayo siyaasiga Danishka ah,” ayaa lagu yiri war qoraal ah. “Waxaa sii kordhaya weerarada ka dhanka ah kitaabka muslimiinta”.
Bishii la soo dhaafay, Salwaan Momika oo u dhashay dalka Ciraaq oo qaxooti ku ahaa dalka Sweden ayaa sidoo kale ku gubay bannaanka masjidka magaalada Stockholm bogag qur’aanka kariimka ah, taasi oo caro ka dhalisay dunida Muslimka.
Maalintii Khamiista ayuu kitaabka quraanka ku tuntay meel caws badan oo u dhaw safaarada Ciraaq ee Stockholm. Labo mudaaharaad ayaa dab qabadsiiyay qur’aanka kariimka ah iyagoo eegaya daawadayaasha iyo kamaradaha. Ciraaq ayaa eriday ergayga Swedishka ah dhacdadan naceybka ah, iyadoo la weeraray safaaradda Stockholm ee Baqdaad.

