Friday, August 28, 2026

Denmark oo qaadeysa talaabo ay uga hortagayso gubida Kitaabka Qur’aanka

Share

QAAHIRA, Masar – Denmark ayaa darseysa dhowr tallaabo iyo sharci looga hortagayo falalka soo laab-laabtey ee Qur’aanka lagu gubayo, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda Masar Jimcihii.

Wasiirka arrimaha dibadda Denmark Lars Rasmussen ayaa sidaas ku xaqiijiyay mar uu khadka taleefoonka kula xiriiray dhiggiisa Masar Sameh Shoukry, sida uu bayaan ku sheegay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Axmed Abu Zeid.

Bilihii la soo dhaafay waxaa la arkayay falal soo noqnoqda oo qur’aan lagu gubayo ama lagu xumeynayo ama ay isku dayeen kooxo Islaam nacayb ah, gaar ahaan waqooyiga Yurub iyo dalalka Waqooyiga Yurub.

Read more

Local News