Thursday, August 27, 2026

Magaalooyinka u dhow Baydhabo ee diyaaradda loo raaco cabsi amni aawadeed

Share

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Marka laga yimaado xayiraadii bishii hore soo shaac-baxdey, Baydhabo waxaa saaran go’doon uu maamulka Laftagareen ka gaabiyey in uu wax ka qabto.

Caasimada ku meelgaarka Koonfur Galbeed ayaa safar dhulka ah looga tagi karin magaalooyinka ku dhow sidda BuurHakaba, Xudur, Waajid iyo Bardaale.

Baydhabo iyo BuurHakaba ayaa isku jira 64 KM. Baydhabo iyo Xudur ayaa isku-jira 129 KM. Baydhabo iyo Waajid ayaa isku jira 96 KM. Baydhabo iyo Bardaale ayaa isku jira 93 KM.

Marka la joogo Baydhabo oo la doonayo in la tago degmooyinkan, waxaa waajib ah in la raaco diyaarad taas oo ka kharash badan safarka dhulka.

Al-Shabaab ayaa ah sababta ugu weyn ee hortaagan in safar dhulka ah lagu gaaro degmooyinkan sababo ku aadan in ay jidka u galaan gaadiidka madaxda.

Madaxwayne Laftagareen oo heshiis siyaasadeed xafiiska ku jooga ayaa qirtey in fashil iyo ceeb ay ku tahay in uu xal u waayay dhibaatadan.

Laftagareen oo waji-gabaxaas ku dhex-jira ayaa mar kale doonaya in uu kalsooni waydiisto shacabka Koonfur Galbeed taas oo la ogayn sidda uu ku heli doono.

Read more

Local News