ABUJA, Nigeria – Toddobo qof ayaa ku dhimatay kadib markii qayb kamid ah masaajid ay ka buuxeen boqollaal qof uu ku dumay magaaladda woqooyiga dalka Nigeria ku taal ee Zaria ee gobolka Kaduna, sida ay saraakiishu sheegeen.
Dhacdadan ayaa lasoo wariyay galabnimada Jimcihii, afhayeenka golaha imaarada Zaria, Abdullahi Kwarbai, ayaa sidaas sheegay isaga oo aanan bixin wax fahfaahin dheeraad ah.
Saraakiisha gobolka ayaa caddeeyay in masaajidka la dhisay 1830-kii. 23 qof ayaa loo diray isbitaal, sida ay sheegtay Hay’adda Maareynta Degdegga ah ee gobolka.
Dhacdadan ayaa daba socota in ka badan toban dhismo oo ku dumay dalka ku yaalla galbeedka Afrika sannadkii hore oo keliya, waxaana ku nafwayaay tobanaan ruux.

