Thursday, August 27, 2026

Dowladda iyo Al-Shabaab oo siyaabo kala duwan uga hadlay duqeyn dhacdey

Share

MUQDISHO, Soomaaliya – Duqeyn dhanka cirka ah ayaa lagu garaacay tuulada Dumaaye oo hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug oo ay maamulaan Al-Shabaab, subaxnimadii Sabtida maanta ah.

Dhaqdhaqaaq ay wadeen xubno Al-Shabaab ayaa ka jiray goobta, sida ay sheegeen ilo xog ogaal ah. Warka ayaa intaa ku daraya in Al-Shabaab ay sidoo kale aaggaas ku hayaan qaar ka mid ah gawaaridooda dagaalka.

Dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab ayaa labaduba xaqiijiyay warka sheegaya in duqeyn diyaaradeed ay ka dhacday Dumaaye.

Warbaahinta dowladda ayaa ku warantay in duqeynta lala kaashaday “saaxiibo caalami ah” laguna dilay “argagixiso badan iyo madaxdooda”.

Warbaahinta Al-Shabaab ayaa dhankooda tabiyey in duqeynta ay ku dhacday xabsi ayna ku dhinteen 4 maxbuus, ayna ku dhaawacmeen 7 kale oo 3 ka mid ah uu dhaawacoodu culus yahay.

Ma jiraan illo madax-banaan oo xaqiijinaya sheegashadda labada dhinac kasoo kala yeertey.

Read more

Local News