Thursday, August 27, 2026

Gudoomiye Ibraahim Macalin Nuur oo ka digay handadaad lagu hayo odayaasha dhaqanka

Share

MUQDISHO, Soomaaliya – Gudoomiyaha Madasha Samatabixinta Koonfur Galbeed, Dr Ibraahim Macalin Nuur, ayaa sheegay in ciidamada taliska Laftagareen ay handadaad iyo isku-day xarig kula kaceen Maxamed Qaadi, oo kamid ah malaaqyada  Beesha Xariin kuna sugan magaalada Baydhabo

Qoraal uu soo dhigay ciwaankiisa Facebook-ga ayuu ku caddeeyay Mr Nuur in laga waantoobo talaabadan inta xaalada aysan faraha ka bixin.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

Assalaamu Caleykum

Waxaa isoo gaartey in tan iyo Khamiistii lasoo dhaafey handadaad iyo isku day xabsi dhigis lugu haayey malaaq Maxamed Qaadi oo ah malaaq ka mid ah malaaqyada Beesha Xariin ee ku sugan magaalada Baydhabo. Waxaa amarka xirista malaaqa soo bixiyey madaxweynaha heshiiska ku jooga ee Cabdicasiis Laftagareen.

Malaaqa waxaa lugu hestaa inuusan Laftagareen ku fikir aheyn oo rabitaanka Laftagareen ku shaqeeyneynin, waana runtii nasiib darro aad u weyn in maamulka muddo xileedkiisa gabo gabada yahay uu weli sidaas u fakarayo.

Waxaan aad u canbaareynayaa ficilkaas awood sheegashada iyo handadaada ah ee lugula kacayo malaaqa iyo guud ahaan dadyowga reer KGS, waana dulmi aan geed loogu soo gaban oo aan la mahdin doonin natiijada ka dhalata hadii aan laga joogsan falkaas gardarrada ah.

Waxaan ugu baaqayaa saraakiisha ciidamada inay dhowraan sharciga, kana fogaadaan ku milanka siyaasadda iyo beegsiga gardarrada ah ee lugula kacayo dadka aan waxba galabsan.

Waxaan ugu baaqayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hogaamiyo Mudane Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud inay wax ka qabato ku tagri falka awoodeed ee ka ka jira KGS gaar ahaan magaalada Baydhabo si looga baaqsado inay xaaladu faraha ka baxdo.

Saaxiibada Soomaaliya ee caalamiga ah iyo dadka xuquuqda aadanaha u dooda waxaa laga codsanayaa inay kaalintooda qaataan, ilgaar ahna ku eegaan waxa ka socda Koonfurgalbeed gaar ahaan magaalada Baydhabo. Mahadsanidiin

Read more

Local News