Thursday, August 27, 2026

Itoobiya oo sheegatay in ay dishay 462 xubno Al-Shabaab ah

Share

ADDIS ABABA, Ethiopia – Ciidamada Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in gudaha Soomaaliya ay dileen ku dhawaad ​​462 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab.

War-saxaafadeed kasoo baxay Taliska Dhexe ee Ciidanka Itoobiya ayaa lagu caddeeyay in xubnahan ay ku khaarijiyeen deegaanka Rabdhuure.

Isku-dhacan ayaa yimid kadib markii ay dagaalameyaasha isku dayeen in ciidamada ku weerareen aaggaas, sidda laga soo xigtey bayaanka.

Dableyda Al-Shabaab ayaa lagu waramay in ay adeegsadeen 12 qarax oo ismiidaamin ah iyo saddex baabuur oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa.

Dhanka kale, Al-Shabaab ayaa horey u sheegtay dilka askar badan oo Itoobiyaan ah. Balse, ma jiraan illo si madax-banaan u xaqiijiyey hadalka labada dhinac.

Itoobiya ayaa waxaa Soomaaliya kaga sugan dhowr kun oo askari kuwaas oo qaarkood kamid ah howlgalka ATMIS kuwana aan kamid ahayn.

Read more

Local News