Thursday, August 27, 2026

Horjooge Al-Shabaab ah oo lagu dilay duqeyn ka dhacdey Bakool

Share

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Duqeyn diyaaradeed ayaa Jimcaha maanta ah waxa ay ka dhacdey degaanka Buur Coday ee gobolka Bakool.

Warar horudhac ah waxa ay sheegayaan in howlgalkan lagu dilay horjooge sarre oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Illo amni ayaa u sheegay Arlaadi Media Network in horjoogahan lagu magacaabo Isaaq Cabdullaahi Maxamed.

Isaaq ayaa waxaa lagu waramay in uu ahaa La taliyihii dhanka Dacwadda amiirkooda Ahmed Godane.

Sidoo kale, waxaa la sheegay in uu qaabilsanaa dhanka tashkiilinta dadka gaar ahaan gobolka Bakool.

Howlgalka dhanka cirka ayaa sidoo kale galaaftey dad ay ku jiraan Xaaskiisa, Caruurtiisa, Eedadiis iyo Darawalkiisa.

Markii la beegsanayay ayaa lasoo wariyay in uu ku wajahnaa degmadda Tiyeeglow ee gobolka Bakool.

Tuuladda Buur Coday ayaa dhan woqooyi qiyaastii 8 KM kaga beegan  dhanka degaanka Buur-Dhuxulle.

Read more

Local News