Thursday, August 27, 2026

Laftagareen maka kala dooranaya jid iyo jiho diidnimo ama doorasho xor ah?

Share

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Madaxwaynaha waqtigu ka dhacay Laftagareen ayaa bilaabay rafashadii u dambeysay markii uu soo wajahay cadaadis culus.

Cadaadiska ayaa ka dhashay kulamada ay Nairobi iyo Muqdisho ku yeesheen siyaasiyiinta mucaaradsan bishan September.

Siyaasiyiintan ayaa ku dhaartey in midkood ay col ama nabad ku tagayaan Baydhabo 5-ta September si loo qabto doorasho.

Shirkii ugu dambeeyay ayaa waxa ay la qaateen wasiiro iyo Xildhibaano heer federaal oo ay garab weyn ka heleen.

Laftagareen oo ka duulaya cadaadiskan ayaa bilaabay kulamo boor-isku-qarin ah iyo raadinta taageero dhicis ah.

Kulamada ayuu la qaadanayaan qaar kamid ah safiirada caalamka si uu u muujiyo in uu wali nool yahay.

Sidoo kale, munaasabado ayuu ka abaabulayaa qaar kamid ah dalalka dariska si loogu qabto kulamo loogu sacabo tumayo.

Hase ahaatee, falanqeeyeyaasha ayaa rumeysan in labadan talaabo aysan waxba ka badalin karin culeyska food-saarey.

Hogaanka dalka iyo Beesha Caalamka ayaa dhowr jeer caddeeyay in aysa taageeri doonin kursi isku-dhejin.

Sikastaba ha ahaatee, Laftagareen ayaa wixii ka dambeeya 5-ta September kala dooran doona jid iyo jiho diidnimo ama doorasho xor ah.

Read more

Local News