MUQDISHO, Soomaaliya – Wafdi ka socda isbadal doonka Koonfur Galbeed ayna hogaaminayaan gudoomiyeyaashii hore ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa gaarey magaalada Dhuusomareeb ee caasimada Galmudug.
Xubnahan ayaa kulamo la yeelan doona madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud iyaga oo kala hadli doona fulinta heshiiskii Baydhabo ee Febraayo iyo qabashada doorashada Koonfur Galbeed si nabad ah.
Mas’uuliyiinta isbadal doonka ayaa sidoo kale waxa ay madaxwayne Xasan Sheekh u muuujin doona garab-istaag ku aadan la dagaalanka kooxda Al-Shabaab.
Safarkan ayaa kusoo beegmaya xilli isbadal doonka Koonfur Galbeed ay shalay kulan weyn ku yeesheen magaalada Muqdisho kaas oo ay ka qeybgaleen xulka siyaasiyiinta Koonfur Galbeed.

