Thursday, August 27, 2026

Khasaaro ka dhashay madafac ku dhacay guri uu dagan yahay Xildhibaan

Share

MUQDISHO, Soomaaliya – Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhimatay labo kalana way ku dhaawacmeen hoobiye ku habsadey guri ku yaalla xaafada Dabaqeynka, degmada Dharkeenley ee Muqdisho.

Hoygan waxaa daganaa Xildhibaan Maxamed Keerow Maxamed oo ka tirsan Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Mid kamid ah dadka dhintey waa wiil uu dhalay mudanaha, halka ruuxa kale uu yahay wiil kale oo uu adeer u yahay, qofka saddexaadna waa shacab daganaa guri ka akdhow.

Illaa haatan, ma jiro wax war ah oo laamaha ammaanka dowladda ay kasoo saareen falkan. Sidoo kale, ma jirto koox si rasmi ah dusha u saaratay mas’uuliyadda weerarkan.

Weerarkan madaafiicda ah ayaa waxa uu kusoo hagaagayaa xilli muddooyinkii lasoo dhaafay ay Muqdisho ka jirtay xasiloon ammaan taas oo ka dhalatay howlgalo joogto ah oo ay waddeen hay’adaha nabad-gelyadda.

Read more

Local News