MUQDISHO, Soomaaliya – Madasha Isbedel doonka Koonfur Galbeed ee loo yaqaano MAANSHIIL ayaa go’aan culus soo saartey kuna sheegtey mowqifkooda ku aadan Fulinta heshiiskii 4 Febraayo ee Doorashada KG iyo Tagitaankooda Baydhabo.
War-saxaafadeedka ay soo saareen ayay ku caddeeyeen in aan waxba iska bedelin mowqifkooda waxayna madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqeen inuu fuliyo heshiiskii dhiiga ku daatey ee uu asaga garwadeenka ka ahaa.
Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli ay tiro labo jeer ah oo ay magaalada Dhuusamareeb tageen mucaaradka KGS ay is mari waayeen iyagoo ka biyo diidey dalab uu Madaxweyne Hassan usheegey in ay katanaasulaan mowqifkooda ku aadan Doorashada, ayna aqbalaan heshiiska Golaha Wadatashiga Qaranka oo Lafta Gareen siinaaya sanad labaad oo mudo kordhin ah.
Sidoo kale, mowqifka mucaaradka Koonfur Galbeed ayaa kusoo aadaya xilli madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud uu isla maanta ku dhawaaqay in uu diyaar u yahay fulinta heshiiskaas isla markaana ay doorashooyinka maamul goboleedyadda dhici doonan November 2024-ka.
Ugu dambeyntii Waxay ku baaqeen in la ilaaliyo xuquuqda muwaadin kasta oo siinaayo Dastuurka Federaalka iyo Kan KGS, taasoo ay kamid tahay xuquuqda aas aasiga ah oo ugu horeyso Xuriyada isku socodka iyo mida hadalka.

