Thursday, August 27, 2026

Baydhabo oo lagu toogtay todoba qof muddo saddex maalmood gudaheeda

Share

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Seddaxdii maalin ee lasoo dhaafay waxaa tiirka cadaalada Baydhabo lagu toogtay ilaa 7-nin oo lagu helay in ay horey u dileen dad kale.

22-kii bishaan Maxkamada ciidamada qalabka sida qeybteeda lixdanaad ee gobolka baay ayaa subaxii axada xukun dil ah ku fulisay seddex askari oo lagu kala magacaabi jiray Xuseen Cali Macalim limaan (Gurey) oo ka tirsan daraawiishta Koonfur Galbeed, Cabduwaaxid Cali Sheekh Aadan oo ka tirsan Militariga iyo Cabdulaahi Ibraahim Yarow (Borow) oo ka tirsan Booliiska Koonfur Galbeed.

Labada askari ee hore Xuseen Gurey iyo Cabdiwaaxid ayaa beerta qurun Jiis oo deegaan dug Baydhabo ku taal ku dhex dilay marxuum Muxudiin Maxamed Cabdiraxmaan (June\18 \2018).

Halka askariga Cabdulaahi Borow uu dilay Isgoowe Maxamed Aadan, bishii 03\Juun\2023, marxuumka oo ahaa farmashiiste isku diyaarinayay guri gal ayaa u dhintay ka doodidda xabad kor loogu riday.

23-kii bishaan subaxnamadii isniinta aheyd ayaa Maxkamada ciidanka qalabka sida qeybteeda lixdanaad xukun dil ah ku fulisay Geedow Maxamed Fidle (Abuurow) oo ka tirsan Daraawiishta Koonfur Galbeed,kaas oo loo qisaasay Marxuum Mursal Cali Cabdi oo lagu dilay Buur-hakaba, Dilka ayaa ka dhashay rasaas oo uu Geedoow huwiyay gaari Caasi ah oo ka kayimid Muqdisho kuna siijeeday Baydhaba.

Halka Ismaaciil Cadullahi Cadiraxmaan (Dhagey) oo ka tirsan Xooga Dalka isna loo qisaasay dil uu horey uga geystay Marxuum Xuseen Ugaas Cabdiraxmaan oo ay qaraabo ahaayeen ka tirsanaa Saldhigga Booliska Rabdhuure, dilka ayaa ka dhashay muran la xiriira kaararka lagu qaato raashinka.

Isla bishaan 24-keeda Ex dable xoogga Yuusuf Isaaq Nuur Aadan ayaa magaalada Baydhaba loogu oofiyay qisaasta marxuum Mustaf Xaaji Xasan Madkuus oo uu dilay kadibna uu Ceel ku riday si aan Loo arkin meedkiisa.

Dhinaca kale Ex dable Boolis Aadan Maxamed Xasan Ibraahim (Boqol) ayaa isna loo toogtay dilka Sheekh Cali Ahmed oo ahaa wayeel 65 jira dilka ayaana yimid ka dib markii marxuumka uu isku dayay in uu dilaaga ka waaniyo isbaaro u taalay gudaha Xaafad ku taala Baydhaba.

Toogashooyinkaan is xig xigay ee ka dhacay baydhabo ayaa waxaa soo dhoweeyey shacabka Baydhabo.
Gaashaanle dhexe Maxamuud maxamed iidow xeer ilaaiye ku xigeenka maxkamada ciidanka qalabka sida ayaa toogashooyinkaan ka dhacay baydhabo dhmaantooda la wadaagay warbaahinta.

Read more

Local News