Thursday, August 27, 2026

Xamse oo furay Nidaamka Ilaalinta Bulshada ee Diiwaanka Bulsho ee Midaysan

Share

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa daah-furay Nidaamka Ilaalinta Bulshada ee Diiwaanka Bulsho ee Midaysan oo lagu yaraynayo saboolnimada iyo sugnaan la’aanta cuntada, si loogu diyaariyo bulsho adkaysi u leh aafooyinka ay ka mid yihiin abaaraha, fatahaadaha iyo Ayaxa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay mudnaanta uu xilligan u leeyahay dalka nidaamkani oo ay xuddun u tahay siyaasadda Xukuumadda Dan-Qaran ee ah in la helo horumar ay bulshadu qayb ka yihiin, una siman yihiin si loo xoojiyo ammaanka, koboca dhaqaalaha iyo wada-socodka bulshada Soomaaliyeed.

Xamsa ayaa faray dhammaan Hay’adaha Caalamiga ah, kuwa Waddaniga ah iyo inta ku hawlan hawlaha Gargaarka inay isticmaalaan Diiwaanka USR ee Dawladda si looga fogaado, iska warqab la’aan iyo xaqiijinta in bulshada si hufan loogu adeego, taasi oo keenaysaa in lagu kalsoonado dawladda, waxayna caawinaysaa dhisidda dawlad-wanaagga.

May be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 6 people and suitMay be an image of 10 people and text that says "UNIFIED SOCIAL REGISTRY AND BAXNAANO DELIVERY SYSTEM. BAXNAANO SO Daahfurka Nidaamyada Diiwaanka iyo Maareynta ilaalinta Bulshada Daahfurka Nidaamyada Diiwaanka iyo Maareynta ilaalinta Bulshada Sun Nov 20 Day 12 23 DECALE HOTEL MOGADISHU SOMALIA UNIFIED SOCIAL REGISTRY AND BAXNAANO DELIVERY SYSTEM. Sun Day Nov 20 12 23 SOMALIAMOLSA ΒΑΧΝΑΑΝΟ Daahfurka Nidaamyada Diiwaanka iyo Maareynta ilaalinta Bulshada PROTP Sun Day Nov 20 23 VSTEMS: AND EM."May be an image of one or more people, dais and textMay be an image of 3 people

Read more

Local News