Thursday, August 27, 2026

Khasaaro ka dhashay duqeyn diyaaradeed ka dhacdey Shabeellaha Hoose

Share

MUQDISHO – Fahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeyn diyaaradeed oo xalay ka dhacdey gobolka Shabeellaha Hoose ee Koonfur Galbeed.

Howlgalkan oo aan la ogayn dalka fuliyey ayaa waxaa lagu waramay in si gaar ah looga fuliyey degaan ku dhow degmadda Sablaale.

Warar Arlaadi Media Network ay ka heshay laamaha ammaanka ayaa xaqiijiyey in dhimashadda iyo dhaawacyada xubno kamid ah Al-Shabaab oo lala eegtey duqeynta.

Macluumaadka ayaa intaas ku daraya in dhaawacyadda ay kamid yihiin horjoogeyaal kamid ah kooxda Al-Shabaab wallow aan si madax-banaan loo xaqiijin karin.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa illaa haatan wax war ah kasoo saarin duqeyntan.

Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa muddooyinkii dambe ka dhacayay duqeyn dhanka cirka ah kuwaas oo lagu taageerayay Dowladda Soomaaliya.

Read more

Local News