Thursday, August 27, 2026

Kenya oo sheegtay in waqti dhow aysan dib u furi doonin xadka Soomaaliya

Share

MUQDISHO – Kenya ayaa sheegtay in aysan mar dhow dib u furi doonin xaduuda ay la wadaagto Soomaaliya, sababa la xiriira cabsi ay ka qabto in ay kaga timaado amni darro.

Xoghayaha Wasaaradda arrimaha gudaha Kenya ayaa wareysi uu siiyay wargeyska Daily Nation, ku caddeeyay in ay dib uga fekerayaan go’aan ay horey u gaareen.

Raymond Omollo ayaa carabka ku adkeeyay in sababaha kale ee walwalka ay ka qabaan ay kamid tahay inuu gaabis yahay howlgalada ay sameynayaan ciidanka ATMIS.

Soomaaliya ayaa horaantii sanadkan ka dib wada tashiyo heer sare ah oo ka dhacay Nairobi isku raacay in lasoo afjaro xayiraadyo sohdinta ka jiray muddo 12 sano ah.

Hadalka kasoo yeeray Omollo ayaa waxa uu niyad-jab ku ridayaa ganacsato badan oo Soomaali ah kuwaas oo rajo yeeshay markii ay soo baxdey in dib loo furayo xuduudka.

Read more

Local News