MUQDISHO –Â Hakad baahsan oo ku yimid shaqada barnaamijka Microsoft ayaa Jimcaha maanta ah saameyn ku yeeshay guud ahaan duulimaadyadii, bangiyada, iyo xarumaha warbaahinta guud ahaan adduunka.
Shirkadda Microsoft ayaa qoraal kooban waxay ku sheegtay inay si tartiib tartiib ah u xallineyso ciladda saameeysay isticmaalka barnaamijyada iyo adeegyada Microsoft 365.
Shirkadu kama aysan jawaabin codsi ku aadan in ay hadasho mana aysan sii sharraxin sababta keentay maqnaanshaha.
Ciladan ayaa si gaar ah waxaa looga soo wariyay dalalka Mareykanka, Ingiriiska iyo Australia. Meelaha saameynta ugu badan laga dareemay waa garoomadda diyaaradaha iyadda oo la baajiyay duulimaadyo.
Sidoo kale, xarumo warbaahin sidda Sky News ayaa hawada ka baxay sababo ku aadan ciladda ku timid barnaamijyadda shirkadda Microsoft wallow markii dambe uu hawada kusoo laabtey
Sikastaba ha ahaatee, hakad ku yimid barnaamijyadda shirkadda Microsoft waxay falanqeeyeyaasha ku macnaayeen in ay banaanka keeneyso baahi loo qabo in hoos loo dhigo ku tiirsanaanta hal shirkad.

