Friday, August 28, 2026

Ra’iisul Wasaare Xamse Barre oo guddoomiyay shirka Amniga bisa Ramadan

Share

MUQDISHO, Soomaaliya — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayey dardargelinta amniga caasimadda iyo deegaannada ku xeeran, si looga feejignaado dhagarta cadowgu u maleegayaan shacabka Soomaaliyeed ee cibaadeysanaya Bishan barakeysan ee Ramadan.

Hey’adaha amniga ayaa kulanka ku soo bandhigay warbixinno ku saabsan horumarka laga gaaray amniga guud ee caasimadda iyo deegaannada ku xeeran, waxaanna lagu falaanqeeyay sidii hey’addaha amnigu ay si wadajir ah uga wada shaqayn lahaayeen sugidda amniga iyo kor-u qadidda wada-shaqaynta laamaha amniga iyo shacabka ku nool caasimadda.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa ku ammaanay hey’adaha amniga juhdiga iyo dadaalka ay geliyeen sugidda amniga, isaga oo faray hey’adaha iyo maamulka gobolka Banaadir inay kor u sii qaadaan dadaallada lagu horumarinayo nabadgelyada caasimadda, maadaama kooxaha Khawaarijta ah wakhtigoodu gabaabsi yahay.

Read more

Local News