Thursday, August 27, 2026

Dowladda Soomaaliya oo SSC-Khaatumo kala wareegtay maxaabiis dagaal

Share

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Soomaaliya ayaa Muqdisho kasoo dejisay 25 maxbuus uu maamulka SSC-Khaatumo ku wareejiyay  Xukuumadda Federaalka kadib socdaalkii Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre uu ku tegay magaalada Laascaanood.

Maxaabiistan dagaal ayaa tan iyo sanadkii 2023 ku xirnaa xabsiyada gobolka Sool waxaana lagu qabtey dagaaladii Laascaanood ku dhexmaray SSC-Khaatumo iyo Somaliland.

Maxaabiistan ayaa waxaa la socday Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka, Mudane Xasan Macalin, iyo Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Cabdiqaadir.

Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ayaa waxa uu baahiyay sawirada iyo muuqaalada maxaabiistan. Hase ahaatee, arrinkan waxaa ka dhashay cambaareyn iyo dhaleeceyn loo jeediyay dowladda wallow dadka dowladda taageersan bogaadiyeen.

Bashiir Maxamuud Caato, oo ah waayo-arag dhanka saxaafadda ah, ayaa dhaliilay in la baahiyo muuqaalka maxaabiistan iyaga oo aanan ogolaanshiyo la waydiisan – wallow aan la caddeyn karin in ogolaanshiyahaas uu dhacay iyo in kale.

“Warbaahinta Dowladda Federalka waa ku ceeb in ay baahiyaan sawirada maxaabiis la sawiray ayagoo aan la weydiin inay raali ka yihiin iyo inkale.  Haddii la weydiiyayna aysan laheyn ikhtiyaar ay ku diidaan. Waa tallaabo kasoo horjeedo xeerarka iyo hab-dhaqanka warbaahinta ee dunida u degsan. Sababaha kale ee keeni kara in aysan wanaagsaneyn in maxaabiistan la sawiro waxaa kamid ah inay xiran yihiin dhar laga yaabo in lagu khasbay oo aysan raali ka ahayn,” ayuu xusay.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Yuusuf Garaad Cumar oo kamid ah dadka ka falceliyay, ayaa soo bandhigay waayo-aragnimadiisa maamulka maxaabiistan.

“Khibraddeyda, Xabsiga marka laga soo saaro maxbuus dagaal, dhoofinta horteed 7 – aad ayaa la dejin jiray hooy leh raashin, qubeys iyo jiif wanaagsan. Waxaa u raacay timojar, lebbis nadiif ah oo aan astaan lahayn iyo baaritaan caafimaad,” ayuu yiri Yuusuf Garaad.

Dhanka kale, dowladda federaalka ayaa illaa haatan waxa aysan ka jawaabin walaaca kasoo laabtey baahinta sawirada maxaabiistan. Sikastaba ha haatte, falcelinta ka dhalatay arrinkan ayaa u baahan in ay isbedel u horseedo hab-dhaqanka la duray.

Read more

Local News