Thursday, August 27, 2026

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Oo Afur Kumaamuusay Diblomaasiyiinta Dalalka Caalamka Ee Kusugan Muqdisho

Share

Muqdisho,Soomaaliya – Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay ayaa marti galiyay afur heersare ah kaas oo ay kazoo qeyb galeen diblomaasiyiinta dalalka caalamka ee kusugan caasimadda Muqdisho.

Danjirayaasha iyo wakiilada caalamiga ah ayaa muujiyay qoto dheeraanta xiriirrada diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo kalsoonida dib loo cusboonaysiiyay ee ku aaddan jihada iyo horumarka dalka.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay ayaa mahad celin ujeediyay diblomaasiyiinta asigoo u muujiyay qaddarin ku aaddan wada shaqeyntooda, ka qeybgalka firfircoon iyo taageeradooda joogtada ah, xilli ay Soomaaliya dardargelinayso dadaalladeeda nabadeed, dowlad dhisidda, iyo mudnaanta horumarinta dhaqaalaha.

Read more

Local News