Home Gudaha Koonfurgalbeed Oo Hakisay Xiriirkii Ay Lalaheyd Dowladda Federaalka

Koonfurgalbeed Oo Hakisay Xiriirkii Ay Lalaheyd Dowladda Federaalka

0

Baydhabo – Maamulka Koonfurgalbeed ayaa kudhawaaqay inuu joojiyay wadashaqeyntii uu lalahaa dowladda federaalka Soomaaliya.

Afhayeen uhadlay maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay “In Koonfur Galbeed ay sibuuxda goysay wadashaqeyntii ay lalahaayeen kagadaal markii faragalin qaawan kusoo qaaday taas oo ay kamid tahay abaabul ciidan oo lagu abaabulay deegaanada maamulka si loogu wiiqo wadajirka iyo midnimada dadka reer Koonfurgalbeed”.

Joojinta wadashaqeynta ee dowlad goboleedka Koonfurgalbeed ayaa imaanaya xilli qeybo kamid ah deegaanada maamulkaas looga dhawaaqy wax loogu yeeray badbaada Koonfurgalbeed, si lamid ahna maamulka madaxweyne Laftagareen uu lumiyay gacan kuheynta degmooyinka Qansax dheere iyo Buurhakaba oo kawada tirsan gobolka Baay.

Geesta kale xildhibaan katirsan baarlamaanka Soomaaliya oo lahadlay Arlaadi Media ayaa sheegay in warka kasoo baxay maamulka Koonfur Galbeed uusan aheyn war meel haysta isla markaasna dowladda federaalka ay maamusho amniga gacan kuhaynta deegaanada maamulkaas ayna joogaan ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya.

Maamulka ka arrimiya deegaanada Koonfur Galbeed ayaa ah mid uu muddo xileedkiisu dhamaaday muddo afar sano sano kahor ah hase ahaatee uu iska sii joogay.

Mucaaradka maamulka kasoo horjeeda ayaa iyagu kugoodinaya in lajoogo waqtigii la qaban lahaa doorasho looga badbaadinayo madaxda ka arrimiya maamulkaas.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version