Baraawe, Soomaaliya – Xiisad siyaasadeed ayaa kataagan magaaladda Baraawe oo caasimad rasmi ah u’ah dowladgoboleedka Koonfurgalbeed, taasoo laxiriirto ciidamo loo daabulayo gudaha magaaladaas.
Xiisadan ayaa ka dambeysay markii ay magaalada ka dageen diyaarado wadda ciidamo ay Muqdisho ka dirtey Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Illo wareedyo ayaa u xaqiijiyay Arlaadi Media in ciidankan ay wali ku sugan yihiin gudaha garoonka isla markaana ay doonayaan in gudaha u galaan magaaladda.
Balse, ciidamo kale oo maamulka Koonfur Galbeed ka jooga magaalada ayaa lasoo sheegayaa in ay aagag ka xirteen magaalada ayna doonayaan in ay is-hortaagaan ciidanka lafilayo in dowladda federaalku kadajiso magaalada Baraawe.
Dadka degaanka ayaa u sheegay Arlaadi Media in ay ka cabsi qabaan dagaal inuu ciidankan ka dhex-qarxo taas oo sababi karta dhimasho iyo dhaawac.
Sikastaba ha ahaatee, xaalada kasoo cusboonaatay Baraawe ayaa u muuqata mid ka dhalatay xiisada siyaasadeed ee ka dhex-qarxdey madaxwayne Laftagareen iyo madaxwayne Xasan Sheekh.
