Thursday, August 27, 2026

Wadahadalada U Dhexeeya Mucaaradka Iyo Dowladda Federaalka Oo Dib U Bilowday

Share

Muqdisho, Soomaaliya – Wadahadalada ku saabsan doorashooyinka ee u dhexeeya dhinacyada dowladda federaalka Soomaaliya iyo iyo Mucaaradka ayaa ka furmay magaaladda Muqdisho.

Wadahadladan dhexmaraya dowladda iyo mucaaradka ayaa waxaa garwadeen ka ah Beesha Caalamka oo ay ugu horeeyaan Mareykanka, Ingiriiska, Turkiga, Midowga Yurub, Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika.

Mucaaradka oo labo u kala qeybsan ayaa dowladda federaalka kala shiraya arrimaha doorashooyinka Xubnaha Golaha Mustaqbalka oo ka kooban madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed, ra’iisulwasaarayaal hore Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, Xasan Cali Kheyre, Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxda dowlad goboleedyada Jubaland iyo Puntland, halka madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo xulafadiisa ay iyaguna gooni uga qeybgalayaan wadahadalada doorashada dalka.

Dowladda federaalka ayaa iyadu xoojinaysa damaceeda ku aadan qabashada doorasho qof iyo cod ah, halka mucaaradku doonayaan in dib loogu laabto dastuurkii 2012ka laguna saleeyo doorashada dalka ka dhaceysa xilli horaantii bisha March dowladda federaalka ah ansixisay waxakabadal lagu sameeyay dastuurkii dalka isla markaana lasoo shir tagtay dastuur ka kooban 15 cutub.

Dastuurka cusub ee dowladda federaalka keentay ayaa dhigaya in dalku aado nidaam doorasho oo toos ah lagana gudbo doorasho dadban.

Wadahadaladan ayaa socon doono Talaadada maanta ah ilaa Khamiista sida ka muuqato jadwal kulamo oo laga helay dhinacyada wadahadalku u dhexeeyo.

Read more

Local News