Algiers, Algeria – Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Macallin Maxamuud, ayaa maanta ka qaybgalay furitaanka kalfadhiga 42-aad ee Golaha Wasiirrada Cadaaladda ee dalalka Carabta, kaas oo ka furmay magaalada Algiers ee dalka Aljeeriya.
Shirka waxaa ka qaybgalay Wasiirka Cadaaladda Aljeeriya, Lotfi Boujemaa, Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Nabil Fahmy, iyo wasiirrada cadaaladda ee dalalka xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada garsoorka iyo cadaaladda, isdhaafsiga khibradaha iyo horumarinta wada-shaqaynta hay’adaha cadaaladda ee dalalka Carabta.
Wasiirrada ka qaybgalaya shirka ayaa sidoo kale fursad u helaya inay ka wada hadlaan arrimaha la xiriira horumarinta nidaamyada garsoorka, iskaashiga sharciyeed iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya hay’adaha cadaaladda ee dalalkooda.
Ka qaybgalka Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya ee kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada dowladda Federaalka ee xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ay Soomaaliya la leedahay dalalka Carabta, gaar ahaan dhinacyada cadaaladda, garsoorka iyo horumarinta hay’adaha sharciga.

