Mogadishu, Somalia – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dhagax-dhigay dhismaha Jaamacadda Difaaca Qaranka iyo dib-u-dhiska Isbitaalka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo qayb ka ah qorshayaasha lagu horumarinayo awoodda iyo kaabayaasha ciidamada dalka.
Jaamacadda Difaaca Qaranka ayaa loo dhisayaa xarun waxbarasho oo casri ah, taas oo yeelan doonta kulliyado kala duwan, xarumo cilmi-baaris iyo goobo tababar. Waxaa la filayaa inay soo saarto aqoonyahanno iyo saraakiil leh xirfado iyo aqoon sare oo ku saabsan difaaca iyo ilaalinta qaranka, iyadoo dowladda Shiinaha ay Soomaaliya ka taageerayso hirgelinta mashruuca.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale dhagax-dhigay dib-u-dhiska Isbitaalka Ciidanka Xoogga Dalka, kaas oo ka koobnaan doona saddex dabaq, laguna diyaarin doono adeegyada caafimaad ee looga baahan yahay isbitaal casri ah. Mashruucan ayaa lagu xoojinayaa daryeelka caafimaad ee ciidamada iyo dadka kale ee adeegyada caafimaad ka hela isbitaalka.
Xasan Sheekh ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka dadaalka ay ku bixinayaan dib-u-dhiska iyo horumarinta kaabayaasha ciidamada. Wuxuu tilmaamay in mashaariicdan ay muhiim u yihiin tayeynta ciidamada, kor u qaadista aqoontooda iyo hagaajinta adeegyada caafimaad ee loo fidiyo.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale dib u hawlgeliyey Hoggaanka Dhismaha Taliska Taakuleynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si loo dardargeliyo dhismaha, dayactirka iyo horumarinta kaabayaasha ciidamada. Tallaabooyinkan ayaa qayb ka ah dadaallada dowladda ee lagu xoojinayo awoodda iyo tayada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

