Qaahira, Masar – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Qaahira ee dalka Masar wada-hadallo miro dhal ah kula qaatay dhiggiisa, Cabdulfataax Alsiisi, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Masar.
Labada Madaxweyne ayaa kulankooda kaddib, waxa ay wadajir u qabteen shir jaraa’id oo ay ku soo bandhigeen muhiimadda xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Masar, iskaashiga dhinacyada amniga, horumarka iyo aragtida wadajirka ah ee ku aaddan xasilloonida iyo nabadda gobolka.
“Waxaan hoosta ka wada xarriiqnay in dhowrista madaxbannaanida iyo midnimada Soomaaliya. Tallaabooyinka sharci-darrada ah ee Israa’iil qaaday ee ku aaddan aqoonsiga gobolka Waqooyi ee Soomaaliya ee Somaliland, waxay jebinayaan qawaaniinta dagsan ee caalamiga ah, Axdiyada Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika, waxayna halis u yihiin inay sii hurriyaan xiisadaha, iyagoo abuuraya fursado ay ka faa’iideystaan kooxaha xagjirka ah ee ka macaasha xasillooni-darrada”.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Masar soodhaweynta diirran iyo doorka muuqda ee ay dowladdiisu ka qaadanayso taageerada midnimada, madax bannaanida, iyo dhismaha hay’adaha dowladeed ee Soomaaliya, waxa uuna xusay in taageeradaas ay tahay mid ay si weyn u qaddariyaan shacabka Soomaaliyeed.
Dhankiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Masar, Cabdulfataax Alsiisi ayaa adkeeyay ixtiraamka madax bannaanida, wadajirka dhuleed iyo faragelin la’aanta arrimaha gudaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isaga oo xusay muhiimadda istaraatiijiga ah ee horumarka iyo xasilloonida Soomaaliya.
Kulanka labada Madaxweyne ayaa kusoo aadaya xilli isbadalo waaweyn kadhacayaan geeska Afrika iyo Bariga Dhexe, iyo kadib aqoonsigii Israa’iil ee Maamulka Somaliland.

