Thursday, August 27, 2026

Soomaaliya Iyo Kenya Oo Kawadahadlay Arrimaha Socdaalka Labada Dal Xilli Masuuliyiin Laga Soo Celiyay Dalkaas

Share

Addis Ababa, Ethiopia – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay oo kusugan magaaladda Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa kulan la yeeshay dhigiisa wasiirka arrimaha dibadda Kenya Musalia Mudavadi.

Cabdisalaan Dhaay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo magaaladda Addis Ababa kaga qeybgalaya meertada 49 aad ee golaha fulinta midowga Africa ayaa halkaas kulan kula yeeshay wasiirka arrimaha dibadda dalka Kenya.

Kulanka labada masuul ayaa yimid kagadaal markii dowladda Kenya ay dalkeeda ka celisay masuuliyiin katirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Ra’iisulwasaare ku xigeenka Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa laga soo celiyay dalka Kenya bishii June halka wasiirudowlaha madaxtooyada Soomaaliya Abshir Maxamed Axmed Bukhaari isna laga soo celiyay todobaadkan.

War lagu daabacay bogga wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ay ku leedahay mareegta ay ku leedahay Facebook ayaa lagu sheegay in labada wasiir ka doodeen horumarka laga sameeyay arrimaha la xiriira socdaalka iyagoo sidoo kale isku raacay in la xoojiyo isku dubba ridka arrimaha qunsuliyada iyo isku socodka shacabka labada dal.

Masuuliyiinta xilka ka haya dowladda Soomaaliya ayaa caqabad kala kulmayay galitaanka dalka Kenya iyadoo dib looga celinayay garoomada dalkaas.

Labada wasiir arrima dibadeed ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa xaqiijay ka go’naantooda xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee arrimaha muhiimka u’ah labada dal.

Read more

Local News