Friday, August 28, 2026

Dad careysan oo dilay nin lagu eedeeyay in uu caayay Nabi Maxamed

Share

ABUJA, Nigeria – Nin Muslim ah oo ku nool Waqooyiga Nigeria ayaa waxaa dilay kooxo hubeysan kadib markii lagu eedeeyay inuu aflagaadeeyay diinta Islaamka, sidda ay ku warantey warbaahinta. Sheekadan ayaa si weyn u qabsatay ciwaanadda saxaafadda aduunka.

Usman Buda, oo kawaanle ka ahaa magaalada Sokoto, ayaa “waxaa soo weeraray qaar ka mid ah tobanaan Muslimiin ah [kuwaasoo] u geystay dhaawacyo halis ah”, sidda laga soo xigtey afhayeenka booliiska gobolka Sokoto Ahmad Rufa’i.

Mas’uuliyiinta degaanka oo ay soo xigatay warbaahinta maxaliga ah kuwa caalamiga ah ee reer galbeedka ayaa hadda baadigoobaya dadkii lagu eedeeyay falkaasi.

Isagoo arrintaas ka jawaabaya, guddoomiyaha gobolka Sokoto, Axmed Cali, ayaa wuxuu ugu baaqay shacabka gobolka inay isdejiyaan oo ay mar walba ilaaliyaan sharciga.

Axmed Cali oo sii hadlaya ayaa waxa uu intaas ku daray in dadku aysan sameynin wax awood u leh inay hoos u dhigaan shakhsiyadda Nebi Muxamed NNKH.

Bishii May ee sanadkii hore ayay ahayd markii gabar ardayad ah ay weerar ku qaadeen arday Muslimiin ah oo wax ka baranaysay kulliyadeeda oo ku taalla magaalada Sokoto, kuwaasi oo dilay kadibna meydkeeda la dhigay. Waxaa lagu eedeeyay inay cayday Nabi Maxamed.

Read more

Local News