TUNIS, Tuuniisiya – Ugu yaraan 16 qof ayaa ku dhintay doon ku degtay xeebaha Tuuniisiya iyo Saxaraha Galbeed, iyadoo Waqooyiga Afrika ay wajaheyso koror dhimashadda dhanka badda ah iyo dadka ku sii jeeda qaaradda Yurub.
Tirada dadka ku dhintay doon ku degtay xeebaha dalka Tunisia ayaa gaartay 11 qof kadib markii meydad kale la helay, sidda laga soo xigtey mas’uuliyiinta ilaalada xeebaha.
Tuniisiya waxa ay noqotay marin weyn oo ay maraan dadka qaxootiga ah, gaar ahaan kuwa ka imaanaya qaybaha kale ee Afrika, iyaga oo isku dayaya safarro halis ah iyaga oo rajo ka qaba in ay helaan nolol wanaagsan.
Waddada dhexe ee Mediterranean-ka ee ka soo gudubta Waqooyiga Afrika una gudubta Yurub waa tan ugu dhimashada badan adduunka iyadoo in ka badan 20,000 ay ku dhinteen tan iyo 2014, sida uu sheegay Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM).

