MUQDISHO, Soomaaliya – Saddex mas’uul oo kasoo jeeda gobolka Shabeellaha Hoose ayaa siyaabo kala duwan loogu dilay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho 28-kii maalmood ee lasoo dhaafay.
Toogashooyinkan qorsheysan ayaa waxaa labo kamid ah waxaa geystay dabley halka kan saddexaad uu ka dambeeyay naftii-halige isku-soo-rakibay waxyeebo qarxa.
July 14, 2023: Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Amniga iyo Siyaasadda gobolka Shabeellaha Hoose, Cabdi Axmed Yuusuf, ayaa lagu dilay is-qarxin ka dhacdey degmada Hodan.
July 19, 2023: Guddoomiye ku-xigeenkii maamulka iyo maaliyadda ee Awdheegle, Faqay Cabdulle Mayow, ayaa lagu dilay degmada XamarJajab.
Aug 11, 2023: Dabley ayaa ganacsade Isaaq Adan Ali (Isaaq Garow) oo kasoo jeeda gobolka Shabeellaha Hoose waxa ay ku dishay degmada Hodan.
Si dhab ah looma ogga ujeedada ka dambeysa beegsiga kordhay ee ka dhanka ah dadka kasoo jeeda gobolka Shabeellaha Hoose ee kusoo badanaya caasimadda Soomaaliya.
Balse, falalkan ayaa daba socda isku-dhacii Baraawe iyo weerarkii is-miidaaminta ahaa ee lagu galay Xerada Jaalle Siyaad halkaas oo ay ku naf-waayeen askar badan.
Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa kamid ah goobaha ugu colaadda badan Soomaaliya waxayna salka ku haysaa is-qabqabsi u dhaxeeyo kooxo kala dano ah.

