NEW YORK –Â Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa muddo kordhin 12 bilood kale ah waxa uu u sameeyay Howlgalka UN-ka ee Soomaaliya kaas oo loo yaqaano UNSOM.
Talaabadan waxaa lagu meelmariyay fadhi gaar ah oo goluhu ku yeeshay magaalada New York kaas oo ay si wadajir ah ugu coddeeyeen dhamaan xubnaha kutladan.
UNSOM ayaa waxa waajibaadkeeda uu yahay in ay ka taageeraan dowladda Soomaaliya sidii ay u gaari lahayd amni, nabad iyo daadejinta howlaha taliska ATMIS.
Muddo kordhintan ayaa waxa ay kusoo aadaysaa iyadda oo ay taagan tahay dood ku saabsan masiirka taliska ATMIS kaas oo la doonayo in saddex bil kadib ay ka hayaamaan dalka.
ATMIS ayaa horey loo oran jiray AMISOM waxaana dalalka ku taageera ciidamadda ay kala yihiin Uganda, Itoobiya, Jabuuti, Kemya iyo Burundi iyaga oo la dagaalama Al-Shabaab.

