MUQDISHO – Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Soomaaliya, Xuseen Sheekh Maxamuud, ayaa ka hadlay hanaanka dib-u-eegista dastuurka ku meelgaarka ah ee Soomaaliya, waxaana uu nasiib darro ku tilmaamay in waddanka uusan wali yeelan dastuur dhameystiran oo heshiis lagu yahay.
“Nasiib darro, lix Madaxweyne, lix Baarlamaan, 14 xukuumadood, 14 wasiir dastuur, dhowr guddi dastuur iyo ku dhowaad $100 milyan oo ku baxdey ka dib, weli Soomaaliya kuma guuleysan inay hesho Dastuur dhameystiran oo uu ansixiyay Baarlamaankeeda, daweynahana afti ku ogolaadeen,” ayuu qoray.
Dhanka kale, Xuseen ayaa waxa uu si kooban usoo hadal-qaadey caqabadaha hortaagan dhameystirka dastuurka, isaga oo sheegay in ay salka ku hayso siyaasad iyo dano gaar ah oo ay gadaal ka riixayaan siyaasiyiin uusan magacaabin balse uu sheegay “in aysan dul-istaagin nuxurka qodobada taagan”.
Doodaha kale ee ku xeeran dhameystirka dastuurka sidda baabi’inta nidaamka baarlamaaniga iyo maqnaanshiyaha Puntland ayuu u qiil u dayay hase ahaatee wuxuu tibaaxay in ay yihiin kuwa miiska wadaxaajoodka lagu xalin karo haddii aanan danta qaranka laga horumarin mid gaar ah.
“Haddaba ummadda Soomaaliyeed maanta waxaa ay haysataa fursad weyn oo lagu qabyo tiro Dastuurka KMG, loona baahan yahay inay ku garab istaagaan hoggaanka Dawladda iyo Baarlaamka, si aaney nooga dayacmin fursaddan dahabi ah,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay agaasime Xuseen.
Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu waqti xaadirkan uu kamid yahay murashaxiinta u taagan xilka madaxtinimada Koonfur Galbeed Soomaaliya. Sidoo kale, waxa uu kamid ahaa Aqalka Sarre ee baarlamaanka dowladda federaalka ah intii u dhaxeysay sanadihii 2012 illaa 2017-kii.

