MUQDISHO – Madaxwayneyaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si adag waxa ay uga hadleen kulanka berri uu baarlamaanka federaalka ka yeelanayo wax ka badalka dastuurka iyo natiijada kasoo bixi doonta.
War-saxaafadeed wadajir ah ayay ku caddeeyeen in Madaxtooyadda iyo Baarlamaanka ay wada qorsheeyeen natiijo lasii ogyahay oo ah meelmarinta dastuur aan heshiis lagu ahayn taas oo ay xuseen in ay keeni karto kala qeybsanaan bulsho oo baahsan.
“Waxaa nasiib darro ah in Madaxweyne Xasan uu dhagaha ka furaysto tallooyinkii iyo dadaalladii lagu saxayey hannaanka loo marayo dib u eegista Dastuurka iyo in heshiis siyaasadeed laga gaaro qodobbada masiiriga ah, si dalku uu u yeesho dastuur heshiis lagu yahay,” ayay tibaaxeen.
Bayaankooda ayay ku caddeyeen in aysan aqoonsan doonin natiijo kasta oo kasoo baxda kulanka baarlamaanka ee berri waxayna wacad ku mareen in ay abaabulayaan shirwayne wadatashi ah kaas oo looga tashanayo masiirka dalka iyo ummadda Soomaaliyeed.
“Haddii Madaxtooyadu ay ku sii dhago adeygto qorshahan halista ku ah qarannimada Soomaaliyeed waxaa muhiim ah in la isugu yimaado shir wadatashi oo ay ka soo qeyb-galayaan masuuliyiinta iyo daneeyeyaasha siyaasadeed ee Soomaaliyeed, kaas oo lagu ilaalinayo dowladnimada iyo midnimada dalkeenna iyo dadkeena,” ayay tibaaxeen.

