Thursday, August 27, 2026

Madaxwayne Xasan Sheekh oo saxiixay nuqulka Rasmiga ah ee Wax-ka beddelka Dastuurka

Share

MUQDISHO – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  saxiixay Nuqulka Rasmiga ah ee Wax-ka beddelka cutubyada 1aad, 2aad, 3aad iyo 4aad ee Dastuurka JFS,  oo ay shalay  cod Aqlabiyad leh ku ansixiyeen Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in dhammeystirka Dastuurku uu aas-aas u yahay horumarinta dimuqraadiyadda, sinaanta dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, adkaynta iyo dhisida hay’ado dowladeed oo hufan.

Munaasabadda saxiixa Nuqulka Rasmiga ah ee Wax-kabeddelka cutubyada Dastuurka dalka waxaa goobjoog ahaa Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Read more

Local News