Kismaayo, Soomaaliya- Wasiirka Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska maamulka Jubbaland, Cabdifitaax Maxamed Mukhtaar, ayaa qado sharaf u sameeyay ku dhowaad 85 suxufi oo ka kala yimid Puntland, Nairobi iyo Muqdisho, kuwaas oo door muuqda ka qaatay tabinta Shirkii Golaha Mustaqbalka Soomaaliya.
Wasiir Cabdifitaax ayaa si weyn u bogaadiyay dadaalka, xirfadda iyo masuuliyadda ay muujiyeen saxafiyiinta intii uu shirku socday, isagoo xusay in warbaahintu tahay laf-dhabarta wacyigelinta bulshada, isla markaana ay door muhiim ah ku leedahay horumarka iyo midnimada dalka.
Wasaaradda Warfaafinta Jubbaland waxaa mar walba ka go’an xoojinta iskaashiga ay la leedahay warbaahinta, iyo taageeridda doorka sharafta leh ee saxafiyiintu ku leeyihiin gudbinta xog sugan, hufan oo la isku hallayn karo.
Kulanka qadada waxaa sidoo kale ka qaybgalay Dr. Koofi Adam iyo qaar kamid ah Wasiirrada maamulka Jubbaland, kuwaas oo dhankooda ku amaanay saxafiyiinta doorka ay ka qaateen tabinta shirka.
Ugu dambayn, Wasiirka ayaa uga mahadceliyay dhammaan saxafiyiinta ka soo qeyb galay, isagoo ku dhiirrigeliyay inay sii laba jibbaaraan dadaalkooda iyo anshaxa mihnadeed ee ay ku suntan yihiin.

