LAASCAANOOD, Soomaaliya – Dagaal socdey saacado badan ayaa saaka duleedka Magaalada Laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool ku dhexmaray Ciidamada Somaliland iyo dadka degaanka.
Iska-hor-imaadka ayaa sigaar ah uga dhacay bariga magaalada Laas-Caanood iyo Aaga Saldhigga Ciidamada Somaliland ee Goojacadde, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac.
Saraakiil ayaa warbaahinta u sheegay in ay ciidamada Somaliland kala wareegeen saldhigyo horleh ayna ka qabsadeen gaadiid dagaal iyo maxaabiis dhowr ah.
“Tiro madaafiic ah ayaa axay kusoo dhaceen gudaha Laascaanood, burbur xoogan ay u geysteen xarumo iyo guryo ku yaalla Magaalada,” ayuu yiri qof goobjooge ah.
In ka badan 200 ruux ayaa ku naf-waayay colaadda Laascaanood saddexdii bilood ee lasoo dhaafay. Qaramada Midoobay waxay sheegtey in tirro ka badan 80-kun ruux kale ay ku barakaceen colaada.

