Home SOMALILAND Khasaaro ka dhashay dagaal mar kale ka dhacay Laascaanood

Khasaaro ka dhashay dagaal mar kale ka dhacay Laascaanood

0

LAASCAANOOD, Soomaaliya – Dagaal socdey saacado badan ayaa saaka duleedka Magaalada Laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool ku dhexmaray Ciidamada Somaliland iyo dadka degaanka.

Iska-hor-imaadka ayaa sigaar ah uga dhacay bariga magaalada Laas-Caanood iyo Aaga Saldhigga Ciidamada Somaliland ee Goojacadde, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac.

Saraakiil ayaa warbaahinta u sheegay in ay ciidamada Somaliland kala wareegeen saldhigyo horleh ayna ka qabsadeen gaadiid dagaal iyo maxaabiis dhowr ah.

“Tiro madaafiic ah ayaa axay kusoo dhaceen gudaha Laascaanood, burbur xoogan ay u geysteen xarumo iyo guryo ku yaalla Magaalada,” ayuu yiri qof goobjooge ah.

In ka badan 200 ruux ayaa ku naf-waayay colaadda Laascaanood saddexdii bilood ee lasoo dhaafay. Qaramada Midoobay waxay sheegtey in tirro ka badan 80-kun ruux kale ay ku barakaceen colaada.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version