Home Federaalka Xildhibaan ka tirsanaa Golaha Shacabka oo ku geeriyoodey Muqdisho

Xildhibaan ka tirsanaa Golaha Shacabka oo ku geeriyoodey Muqdisho

0

MUQDISHO, Soomaaliya – Guddoomiyaha Golaha Shacabaka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelka iyo dhammaan ummada Soomaaliyeed geerida ku timid Alle ha u naxariistee Xildhibaan Maxamed Maxamuud Seeyseey oo xalay goor dambe ku geeriyooday magalada Muqdisho.

“Waxaan murugada iyo xanuunka la qaybsanayaa qoyska, ehelada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Alle ha u naxariistee Xildhibaan Maxamuud Maxamed Seeyseey oo xalay goor dambe ku geeriyooday magaalada Muqdisho,” ayuu yiri Guddoomiye Sheekh Aadan.

Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa sheegay in marxuum-ka uu ahaa halyeey waqti badan geliyay dowladnimadda. Wuxuuna Alle uga baryey marxuumka inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo samir iyo iimaan ka siiyo qoyskiisa, xildhibaannadda Golaha Shacabka iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version