Home Federaalka Madaxweynaha Soomaaliya Oo Gaaray Magaaladda Cadaado

Madaxweynaha Soomaaliya Oo Gaaray Magaaladda Cadaado

0

Cadaado, Soomaaliya – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo safar shaqo ku jooga dowlad goboleedka Galmudug ayaa gaaray magaaladda Cadaado ee gobolka Galgaduud halkaas oo uu ku soo dhaweeyay gudoomiyaha magaaladda Faarax Diiriye.

Booqashada madaxweynaha uu ku tagay Cadaado waxaa ku wehlinayay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyagoo kazoo kicitamay degmada Xananbuure halkaas oo ay kaga qeyb galeen munaasabad tababar loogu soo xirayay kumanaan askar ah.

Madaxweynaha ayaa Cadaado kaga sii gudbi doona isagoo tagi doona magaaladda Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Dhanka kale madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tababar ugu soo xiray Dugsiga Xananbuure ciidamo halkaas ku qaadanayay tababar ciidan muddo sanad ah kuwaas oo tiradoodu Kun kor u dhaafeyso, waxaana munaasabadda tababrka uu ugu soo xira.

Socdaalka madaxweynaha ee Gaalkacyo waxaa horay uga digay maamulka Puntland iyagoo sheegay inuu abaabulayo colaad ka dhan ah Puntland sida warsaxaafadeed ay soo saartay madaxtooyada Puntland lagu sheegay.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version