Fnideq, Morocco – Ciidanka Morocco ayaa xiray 148 muhaajiriin ah oo aan haysan dukumentiyo sharci ah, kadib markii ay isku dayeen inay si koox ah uga gudbaan magaalada Fnideq una tallaabaan Ceuta oo ay Spain maamusho.
Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in 128 ka mid ah dadka la qabtay ay ka soo jeedaan dalal Afrikaan ah, halka 20 ay yihiin muwaadiniin Moroccan ah.
Ciidamo dheeraad ah iyo qalab kala duwan, oo ay ku jiraan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, ayaa loo diray aagga si looga hortagoisku dayga ay xadka uga tallaabayeen.
Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in xaaladda amni ay weli gacanta ku jirto, isla markaana la xoojinayo la socodka dadka abaabulaya isku dayada tahriibka.
Isku dayga ayaa yimid kadib farriimo baraha bulshada lagu faafiyay oo dadka ugu baaqayay inay si koox ah uga gudbaan xuduudaha Ceuta iyo Melilla.
