Home Federaalka Gudoomiyaha La Doortay Ee Baarlamaanka Soomaaliya Oo Xilka La Wareegay

Gudoomiyaha La Doortay Ee Baarlamaanka Soomaaliya Oo Xilka La Wareegay

0

Muqdisho – Gudoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa si rasmi ah maanta ula wareegay xilkan oo loo doortay Isniintii todobaadkan.

Munaasabadda uu xilka kula wareegayay gudoomiye Jaamac ayaa lagu qabtay xarunta gudiyada iyo gudoonka Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa iyadoo munaasbadda xil wareejinta ay goob jog ahaayeen gudoomiye ku xigeenada koowaad iyo labaad ee golaha Sacdiya Yaasiin Samatar iyo Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Ku xigeenka labaad ee golaha ayaa hadal jeedin kooban ka sameeyay munaasabadda isagoo u mahad celiyay gudigii ka shaqeeyay doorashada gudoomiyaha isagoo sidoo kale bogaadiyay gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha Marwo Sacdiya Yaasiin muddadii ay ahayd Kusimaha Guddoomiyaha, hoggaamintii Golaha Shacabka iyo sida ay u maareysay howlaha Golaha.

Dhankiisa gudoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa sheegay in Golaha Shacabka uu si wadajir ah uga shaqeyn doono xaqiijinta yoolalka iyo himilooyinka uu hiigsanayo Golaha, isagoo ku boorriyey dhammaan Xildhibaannada inay si wadajir ah uga qeyb qaataan gudashada waajibaadka dastuuriga ah ee loo igmaday.

Kal fadhiga 8 aad ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa furmay Sabtida todobaadkii la soo dhaafay iyadoo durba golaha shacabku ka howl galay buuxinta kursigii uu baneeyay hogaamiyaha maamulka Koonfurgalbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo loo doortay hogaamiyaha maamulka Koonfurgalbeed bishii June.

Gudoomiyaha xilka golaha la wareegay ee Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa horay u soo qabtay xilal kala duwan oo ay ka midyihiin wasiirka Cadaaladda, Wasiirka Gaashaandhiga iyo Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version