Home Federaalka Madaxweynaha Soomaaliya Oo U Socdaalay Caasimadda Galmudug Xilli Puntland Dirtay Hanjabaad Laxiriirta...

Madaxweynaha Soomaaliya Oo U Socdaalay Caasimadda Galmudug Xilli Puntland Dirtay Hanjabaad Laxiriirta Socdaalkiisa Gaalkacyo

0

Dhuusamareeb, Soomaaliya – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u caraabay caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen hogaamiyaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo taliyaha milatariga Soomaaliya Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud.

Socdaalka madaxweyne Xasan Sheekh ee Galmudug ayaa imaanaya laba todobaad kadib doorashadii ka dhacday 11 degmo oo ka tirsan maamulka Galmudug taas oo uu ka qabatay gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka.

Dhanka kale safarka madaxweynaha ee Galmudug ayaa ku soo beegmaya xilli maamul goboleedka Puntland dagaal kula galay magaalooyinka Gaalkacyo, iyo Boosaaso ciidamadda PSF iyagoo la wareegtay xarumihii iyo saldhigyadii ay kusugnaayeen ciidamadaas oo sheegay inay hoostagaan dowladda federaalka Soomaaliya.

Dhanka kale warar isa soo taraya ayaa sheegaya in madaxweynaha Soomaaliya uu booqanayo Koonfurta magaaladda Gaalkacyo, iyadoo Puntland xalay soo saartay war saxaafadeed ay kaga digayso safarka madaxweynaha ee Gaalkacyo kuna tilmaantay inuu wali ku howlanyahay abaabulka colaad ka dhan ah Puntland.

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Dani ayaa booqday Waqooyiga magaaladda Gaalkacyo ee Gobolka Mudug isagoo halkaas kula shiray gudiga amniga Gobolka Mudug ee isku dhafka ee maamuladda Puntland iyo Galmudug halkaas oo uu kala shiray xaaladda amni ee magaaladda Gaalkacyo, kulan ay goob jog ka ahaayeen gudoomiyayaasha iyo taliyayaasha gobolka Mudug ee Puntland iyo Galmudug.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version