MUQDISHO, Soomaaliya β Guddiga saaxiibtinimada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Baarlamaanka Turkiga, ayaa maanta doortay guddoonka guddigaas.
Doorashada oo ahayd hab gacan taag ah kana dhacday ππ’π₯π₯π πππ«π ππ²π¬π ayay ku doorteen xubnahan kala ah.
Guddoomiye Xildhibaan Saadaq Cumar Xasan (Sadaq Joon), Guddoomiye ku xigeen Senator Cabdirisaaq Maxamed Cismaan iyo Xoghaye Xildhibaan Cabdulqaadir Cumar Macalin.
Xubnaha la doortay ayaa balan qaaday in ay ku dadaali doonaan sii xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada shacab ee walaalaha ah.
