Home SOMALILAND Wafti uu hogaaminaayo Madaxweyne Cirro oo nabadayn ugu sugan Ceerigaabo.

Wafti uu hogaaminaayo Madaxweyne Cirro oo nabadayn ugu sugan Ceerigaabo.

0

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo wafti uu hogaaminaayo ayaa gelinkii dambe ee shalay gaarey Magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag.

Ujeedada safarka Madaxweynaha ayaa ah sidii loo soo xiri lahaa Shirka Nabadda oo lagu xoojinayo nabadda, isu-soo dhawaanshaha, shacabka wada dega guud ahaan gobolka Sanaag.

Dhanka kalena, waxaa Magaalada Ceerigaabo gaarey wafti dhaqameed uu hoggaaminayo Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo ka kicitimay Magaalada Badhan, si ay uga qayb-galaan shirarka nabadaynta gobolka Sanaag.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Somaliland ayaa horay u shaaciyey inay ka shaqaynayaan nabadda magaalada Ceerigaabo, xilli ay dhawaan labada maamul heshiis ku kala saxiixdeen Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version